Sunday, April 26, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wax ka ogow Ajandaha kulanka maanta ee Xildhinaannada Baarlamaanka

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa Arbacada maanta ah la filayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Federaalka ay kulankoodii caadiga ahaa ay ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka maanta ee Golaha shacabka ayaa waxaa uu yahay dhamaystirka iyo u codeynta wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyadoo horey Sharcigaas loo marsiiyay akhrinta koowaad iyo labaad.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in uu jiro kulan, isla markaana Mudanayaasha laga doonayo inay kasoo qeyb galaan kulankaas, si loo dardar-gerliyo howlaha shaqo ee Baarlamaanka horyaalla.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka, waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.

Qaban qaabada kulanka ayaa hadda ka socota Xarunta Villa Hargeysa oo Golaha ay ku shiraan xilliyada ay fariisanayaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...