Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

RW ku-xigeenka dalka oo maanta xariga ka jaray fagaaraha Midnimada +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Arbacadii maanta xariga ka jaray fagaaraha Midnimada oo laga hirgeliyay xaruntii hore ee Baarlamaanka oo ah xaruntii midnimada Koonfur iyo Waqooyi.

Mudane Mahdi Guuleed oo guul taariikhi ah ku tilmaamay xarig jarka ayaa caddeeyay in fagaarahan oo astaan u ah midnimada Waqooyi iyo Koonfur uu noqon doono meel dadweynuhu ku nastaan oo dhallinyaradu ka ogaadaan midnimada iyo dadaalkii loo soo maray.

Jardiinooyika fagaaaraha ayaa lagu muujiyay sida magaalooyinka Waqooyi iyo Koonfur loo mataaneeyay xilligii ay Goballada Waqooyi iyo Koonfur ay midoobeen 1960-kii.

Munaasabadda xariga looga jarayay fagaaraha Midnimada ayaa waxaa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar filish) iyo ku-xigeenadiisa, Maareeyaha Guud ee Wakaaladda horumarinta Dhismaha Bashiir Maxamed Jaamac iyo mas’uuliyiin kale.

 

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...