Saturday, May 30, 2026
26.7 C
Mogadishu

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo soo saaray Digniin ku socota Ciidamada

Jowhar (Halqaran.com) – Taliska qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, saraakiisha booliska Hirshabelle iyo maamulka Gobalka Shabelaha Dhexe ayaa socdaal wacyi galin ah ugu tagay ciidamo ka kala tirsan booliska Hirshabelle iyo kuwa Madaxtooyada Hirshabelle, kuwaaso dhawaan shaqaaqo ay ku dhex martay magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabelaha Dhexe.

Taliyaha booliska Hirshabelle Xasan Dhicisow Xasan oo hadalo u badnaa wacyi gelin ujeediyay askarta oo hal goob kuwada sugna xiliga ay booqanayeen saraakiisha iyo mas’uuliyiinta.

Xasan Dhicisow Xasan ayaa waxa uu sheegay in Askarta looga baahanyahay in meel ay ugu soo wada jeestan la dagaallanka Al-Shabaab.

Taliyaha qeybta 27aad ee ciidanka Xoogga Dalka Jenaraal Axmed Maxamed Tareedisho ayaa sheegay in tallaabo adag ay ka qaadin doonaan askarigii ka qeyb gala dagaal qabiil, isla markaana ay maxakamadda ciidamada qalabka sida horgeyn doonaan

Ugu dambeyn, ku-simaha Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha Dhexe ahna Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Maamulka Gobalka Maxamed Cabdi Sheekh Xaandow ayaa qeybaha kala duwan ee saraakiisha kaga mahadceliyay xal u helidda shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Jowhar.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...