Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Qaramada Midoobay oo taageertay qaababka doorasho oo ay soo bandhigtay Xaliimo Yareey

Muqdisho (Halqaran.com) – War ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa lagu taageeray hadalkii ka soo yeeray guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) oo ay ku shaacisay nooca doorasho ee dalka ka dhici karto 2020/2021.

Qoraal ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa loogu mahadceliyay Guddoomiye Xaliimo Yareey ay soo bandhigtay noocyada farsmo ee lagu gaari karo ku guuleysiga Doorasho toos ah oo Soomaaliya ka dhacda horraanta Maarso 2021.

“Guddoomiye Xaliimo waxa ay soo bandhigtay noocyo doorasho, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay boorrinaysaa wadatashi ballaaran oo ay yeeshaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro Isfahan, si hore loogu sii socdo, kulanka qorsheysan ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka waa tallaabo yididiilo leh oo xigta‘‘, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay QM.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yareey ayaa Sabtidii shalay Kulankii Golaha Shacbaka ka hor sheegtay in guddiga u baahan yahay 13 Bilood si loo qabto doorasho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...