Friday, April 17, 2026
28.9 C
Mogadishu

Muwaadin Soomaali ah oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Koonfur Afrika (Halqaran.com) – Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa xalay lagu dilay Magaalada East london ee Gobolka Eastern Cape ee Koonfur Afrika, kadib markii ay toogteen koox hubaysan oo Burcad Koonfur Afrikaan ah.

Marxuumka la dilay waxaa lagu Magacaabi jiray Daahir Carte, isagoo ahaa Ganacsi caan ka ahaa East london ee Gobolka Eastern Cape.

Booliska Koonfur Afrika oo tagay goobta dilka uu ka dhacay ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay dilkaasi loo gaystay muwaadinka Soomaaliyeed.

Koonfur Afrika waxaa ku soo badanaya dilalka arxandarada ah ee loo gaysanaayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi shaqooyinka ganacsiga u jooga.

Ugu dambeyn, burcadda madowga ayaa dhac iyo boob u gaysta goobaha ganacsiga ee Soomaalida ay leeyihiin, waxaana jirta inay sii kordhayaan dhibaatada shacabka loo gaysanayo.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...