Sunday, June 28, 2026
26 C
Mogadishu

Madaxweynaha JF Somaliya ‘Farmaajo’ oo xariga ka jaray xarunta Tiyaatarka Qaranka +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xarigga ka jaray Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed, Rugta Ganacsiga iyo shaqaalaha rayidka ah ee Dowladda sida ay uga mira dhaliyeen baaqii ku saabsanaa in laga wada qeyb qaato Olalaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.

Mudane Farmaajo oo soo jeediyey in dhallinyarada hormuudka u ah Barnaamijka Isxilqaan ay noqdaan cidda ugu horreysa ee soo istaaga, hadalna ka jeediya Masraxa Tiyaatarka Qaranka ayaa ku ammaanay dhallinyarada Soomaaliyeed sida ay maanta uga go’an tahay in dalku uu la jaanqaado horumarka dalalka kale ee Adduunka.

“Dadka qaarkiis ayaa aaminsanaa in aan ku fashilmeyno dhaqan gelinta iyo ka miro dhalinta Olalaha Isxilqaan, iyagoo aaminsanaa in aysan dadkeennu waxba dhisan karin haddii aynan helin gacan shisheeye. Biyo sacabadaada ayaa lagaga dhergaa, wax innagu aynaan qabsan shisheeye inooma qabanayo.”

Madaxweynaha JF Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku adkeeyey hobolada iyo hal abuurka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan wacyigelinta bulshada iyo u iftiiminta dowladnimada, maadaama sanado badan kaddib dib loo dhisay Xaruntii Golaha Muritda.

“Soomaali waa nooshahay, awood ay dib ugu soo laabatana waa leedahay. Waa dal hodon ah oo dadkiisu ay leeyihiin karti iyo hal abuur, waxa kaliya ee aan u baahannahay waa midnimo iyo in la xoojiyo wadaniyadda, isxilqaanka iyo ka shaqeynta danta guud.”

Ugu dambeyn, Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 26-ka Juun ee Xorriyadda Gobollada Waqooyi, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan midnimada, wadajirka iyo wax-wada-qabsiga.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...