Muqdisho (Halqaran.com) – Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay kulankii Maanta dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, kaas oo muhiim u ah xasiloonida Guud ee dalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu soo dhaweeyay Kulankaas, isla markaana ay taageereyso kulankaas.
“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysay kulankii khadka Internet-ka ahaa ee maanta dhexmaray Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka – Qaramada Midoobay waxa ay ku ammaaneysaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ‘Farmaajo’ iyo madaxda dowlad Goboleedyada tallaabada muhiimka ah ee loo qaaday wada-hadalka joogtada ah ee ka dhexeeya daneeyeyaasha Soomaaliya ee looga hadlayo arrimaha ahmiyadaha qaranka, sida doorashooyinka, amniga iyo deyn cafinta‘‘ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska QM ee Soomaaliya.
Madaxweynaha JF Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isniintii maanta shir guddoomiyey kulan hordhac u ahaa Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka (Zoom-ka). Wuxuuna madaxdii ka soo qeybgashay uga warbixiyay wada-hadalladii dalka Jabuuti uga furmay DF Somaliya iyo Somaliland.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





