Saturday, May 2, 2026
28.3 C
Mogadishu

Duqii hore ee Muqdisho ‘Taabit’ oo sheegay in aan la aqbali karin in askarta DFS ay dilaan dad shacab ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Duqii hore ee magaalada Muqdisho, ahaane guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi Maxamed ayaa wax lagu xumaado ku tilmaamay dilka mar walba askarta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u geystaan dadka Shacbaka ah ee aan waxba galabsan.

Mr. Taabit qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ugu tacsiyadeeyey Ehelada iyo Qoyska marxuum Cumar Xasan oo ahaa Oday da’ah, kaas oo agagaarka Isgoyska Ceelgaabta uu shalay ku dilay askari ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Duqii hore ee Muqdisho, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka, isla iyagii ay si xaqdarro u dilaan.

Haddaba hoose ka akhriso qoraalka guddoomiyhii hore ee gobolka Banaadir, Taabit Cabdi.

‘‘Ma’ahan wax la aqbali karo in ciidankii loo igmaday difaaca shacabka isla iyagii ay si xaqdarro ah nafta u dhaafiyaan dadka biri-mageydada ahaa ee la tacaalayay nolol maalmeedkooda. Cuqubada ka dhalan karta dulmigan waa mid halis ah, oo na wada saameyn doonta hadii aan si wadajir loo diidin, loogana dhiidhin.

Waxaan xanuunka la qeybsanayaa qoyska marxuum Cumar Xasan, waxaana Rabbi uga baryayaa naxariistiisa, qoyskana samir iyo iimaan.

Waxaan ugu baaqayaa Hay’addaha Amniga in si deg deg ah sharciga loo marsiiyo gacan-ku-dhiiglaha dulmiyay, naftiisana dhaafiyay qof shacab ah oo aanan waxba galabsan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...