Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Golaha Wasiirada oo meel mariyay Istaraatiijiyadda la dagaalanka Musuq maasuqa ee 2020-2023

Muqdisho (Halqaran.com) – Golaha wasiirrada ee xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa kulan ay Khamiista maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaalanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuq-maasuqa.

Wasiirka caddaalada ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuq-maasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.

Ra’iisul Wasaaraha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo DFS, iyo amniga dalka.

Kheyre ayaa dhammaan wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.

Shirka oo qeybtiisa dambe uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sidoo kale looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya horumarinta nolosha bulshada iyo dib u soo kabashada dalka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...