Baydhabo (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya, in dagaal khasaare geystay uu dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga Dowladda Soomaaliya oo ay wehlinayeen kuwa maamulka koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya, in dagaalkan uu yimid, kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal la isku adeegaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Abaanduulaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Ibraahim Cusmaan Maxamed oo faah-faahin ka bixiyay weerarkaas ayaa sheegay in Ciidamada uusan wax khasaara ah ka soo gaarin dagaalkaas.
G/sare Ibraahim ayaa xusay, in Al-Shabaab dhankooda dagaalkaas lagu gaarsiiyey khasaaro, islamarkaana Xubno ka tirsan oo aad looga yaqaanay deegaannada koonfur Galbeed, iyada oo uusan sheegin Magacyadooda.
Xaaladda deegaanka lagu dagaallamay ayaa lagu soo warramayaa in xaaladda iminka ay tahay mid deggan, balse ay halkaasi ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





