Thursday, June 18, 2026
25.4 C
Mogadishu

DHAGEYSO WAREYSI: Maxaa ka jira in DF Somaliya aysan wax kaalin ah ka geysan ka hor-taga fatahaadda Beledweyne?

Magaalada Beledweyne oo Wabiga Shabelle ku fatahay

Muqdisho (Halqaran.com) – Dadaallo xooggan oo ay wadaan guddiga gurmadka magaalada Beledweyne ayaa si habsami leh u socda, kuwaasi la doonayo in sanadkan fatahaad looga badbaadiyo magaalada oo muddooyinkii u dambeeyay ay sanad walba dadku daadad uga baro-kici jireen.

Guddiga ayaa beeniyay in howsha socota ay kaalin ku leedahay dowladda federaalka Soomaaliya, marka laga reebo 500 oo jawaannada ciidda lagu shubo ah oo shalay ay dowladdu diyaarad ku geysay Beledweyne.

Dowladda federaalka ayaa sanadkii hore sheegtay in lacag gaareysa 500 oo kun oo dollar ay ugu deeqday dadka ay fatahaaddu magaaladaasi ku saameysay, hase yeeshee guddoomiyaha guddiga Gurmadka Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa sheegay in lacagtaasi aanay soo gaarin dadkii loogu talagalay.

Guddoomiyaha oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka gaabisay doorkeeda, hayeeshee Ganacsatada iyo qeybaha kale ee Bulshada ay wadaan dadaal ay uga hortagayaan fatahaada.

Si kastaba, magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa labadii todobaad ee la soo dhaafay ka socday dadaalo looga hortagayo fatahaada Wabiga oo meelaha qaar ka fatahay, waxaana jira dad magaalada ka barakacay.

Halka hoose ka dhageyso Wareysiga guddoomiye Xaaji Cismaan Dhagaxow:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...