Sunday, May 10, 2026
29.9 C
Mogadishu

Jubbaland oo dowladda Soomaaliya ku eedeysay inay jahwareer siyaasadeed ka abuureyso G/Gedo

Gen. Maxamed Warsame Darwiish

Kismaayo (Halqaran.com) – Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Gen. Maxamed Warsame Darwiish oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada gobolka Gedo.

Gen. Darwiish ayaa sheegay in Dowladda federaalku ay gobolkaasi ka abuureyso jahwareer siyaasadeed, kadib markii guddoomiye ku xigeenka dowladdo wadato gobolka Gedo uu magacaabay guddoomiyeyaal degmo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, ayaa sheegay in arrimaha muddooyinkii danbe ka socday gobolka Gedo ee ay dabada ka riixeyso dowladda Federaalka Soomaaliya in ay yihiin kuwo sharciga baalmarsan.

Wasiirka ayaa sharci darro ku tilmaamay in qaar kamid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Gedo xilka laga qaado kuwo cusubna la magcaabo.

Gen.  Maxamed Warsame Darwiish, ayaa xusay, in Dowlad goboleedka Jubbaland ay aqoonsantahay guddoomiyeyaashii ay wasaaraddu u magcowday degmooyinka gobolkaasi.

Dhanka kale, wasiir Darwiish ayaa Dowladda Federaalka uga digay inay ka fiirsato arrimaha ay ka wado gobolka Gedo, gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha Dowladda Federaalka uu ka dalbaday in ay arrimahaasi wax ka qabato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...