Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo maanta xilka la wareegay +(SAWIRRO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiye ku-xigeenka cusub ee maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan iiman ayaa munaasabad kooban oo ka dhacaday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kula wareegay xilkaasi waxaana madasha uu xilkaasi kula wareegayay goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish).

Guddoomiye Ku xigeenkii hore ee dhanka Maaliyadda Gobolka Banaadir Ibraahin Mahad Alle, ayaa wareejiyay dhammaan Documantiyadii uu ku shaqeynaayay, waxaana uu ku wareejiyay guddoomiyaha cusub.

Duqa Muqdisho ayaa uga mahadceliyay intii ay soo wada shaqeeyeen Ibraahin Dheere, waxaana uu ku tilmaamay shaqsi karti leh.

Guddoomiyaha cusub ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuu rajeynaayo si wanaagsan inuu guto xilkiisa, waxaana uu sheegay wada shaqeyn wanaagsan inuu ka rajeynaayo Shaqaalaha Gobolka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...