Friday, June 19, 2026
25.6 C
Mogadishu

Dowladda Somaliya oo Xaqiijisay inay Korortay tirada dadka u dhimanaya Cudurka Coronavirus.

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka caafimaadka iyo daryeelka Bulshada, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa xaqiijisay in laba ruux oo kamid ah dadkii uu ku dhacay COVID-19 ay geeriyoodeen, 19 xaalada cusubna ay soo kordheern.

Wasiirka ayaa sheegtay in guud ahaan tirada uu soo ritay cudurkaani ay noqdeen 135 ruux. Dadka gudaha dalka ugu geeriyooday cudurkaan guud ahaan waa todoba ruux.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay warbixinteeda ku sheegtay inay socdaan qorshayaal iyo dadaallo wadajir ah oo lagu doonayo in sida ugu habboon looga hor tago khatarta cudurkaan, waxayna bulshada mar kale ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish), oo isna ka hadlay qorshaha xakameynta COVID-19 ayaa caddeeyay in dowladdu ay bedeshay qaabkii loo aasi jiray dadka u geeriyooda COVID-19, lana diyaariyay kooxo gaar ah oo ka shaqeeya aasidda meydadka, taas oo qayb ka ah dadaalka loogu jiro horumarinta daryeelka bulshada.

Dowladda Soomaaliya oo muhiimadda koowaad siineysa ka shaqeynta bed-qabka bulshada, ayaa dadaal xooggan ugu jirta xakameynta faafitaanka iyo saameynta cudurkaan dhibaatada badan ku haya caalamka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...