Saturday, May 30, 2026
26.1 C
Mogadishu

Madaxda Puntland iyo Wakiillada Beesha Caalamka oo kawada hadlay saameynta Cudurka Coronavirus

Garowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan hab maqal iyo muuqaal ah kula qaatay xubnaha Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya.

Masuuliyiinta Beesha Caalamka ka socotay ee kulankan ka qeybgalay waxaa hoggoominayey Danjiraha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambassador James Swan, waxaana ka mid ahaa Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya Nicolas Berlanga Martinez, Safiirada wadamada Norway, Sweden, Germany iyo Masuuliyiin ka tirsan World Bank.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda cudurka Coronavirus iyo saameynta caafimaad iyo dhaqaale ee uu Puntland ku yeelan karo, diyaar garowga Puntland ee Cudurkan iyo doorka beesha caalamku ka qaadanayso dadaalka socda ee Puntland kaga hortegayso Covid-19.

Ugu dambeyn, shirka ayaa waxaa ka qeybgalay xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland sida wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Qorsheynta iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...