
Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay ayaa baraha bulshada iyo Warbaahinta qaarkood lagu baahiyey in Guddiga doorashooyinka Qaranka ay ku dhawaaqayaan dib u dhac doorasho sababo la xiriira Cudurka Coronavirus (Covid-19), balse guddiga uu warkaasi beeniyey.
Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxey ayaa waxba kama jiraan lagu tilmaamey wararkaas lagu faafiyey baraha bulshada, sidoo kale ay qoreen Website-yada qaarkood.
”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn‘‘, ayaa lagu yiri qoraalka guddiga doorashooyinka Qaranka.
Si kastaba ha’ahaatee, siyaasiyiin u badan mucaaradka Dowladda ayaa dhowr jeer waxaa ay ku cel-celiyeen in marnaba aysan aqbaleyn in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya, iyada oo marmarsiiyo laga dhigayo Cudurka Coronavirus (Covid-19).
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





