Monday, April 27, 2026
28 C
Mogadishu

XOG XASAASI: Maxaad kala socotaa Haweenka iyo masuuliyiinta kale ee hortaagan meelmarinta sharciga dambiyada Jinsiga?

Muqdisho (Halqaran.com) – Iyadoo dalka ay ku soo bateen dambiyada kufsiga ah ee lagula kacayo carruurta iyo haweenka ayaa waxaa soo ifbaxaysa in haween ku jira golaha shacabka ay kamid yihiin dadka is hortaagga ku sameeyay meelmarinta sharciga dambiyada jinsiga iyagoo kaashanaya Guddoomiyaha Baarlmaanka Maxamed Mursal oo gaashaanka ku dhuftay in xataa akhrinta koowaad la mariyo sharciga dambiyada jinsiga oo ah kan kaliya ee lagula tacaali lahaa falalka kufsiga ah ee iska soo dabo noqnoqday ee ka dhacaya qeybo badan oo dalka kamid ah. Gudoomiye Maxamed Mursal wax sharraxaad ah kama bixin sababta uu ku diidanyahay in la meelmariyo sharcigan lagu xakamaynayo Kufsiga.

Sidoo kale haweenka horboodaya inaan sharcigaan la ansixin si loo badbaadiyo carruurta iyo haweenka ayaa waxaa kamid ah Xildhibaan Xaawo Yuusuf oo ah gudoomiyaha guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Baarlamaanka iyo Xildhibaan Farxiyo Muumin oo kamid dadka sida bareerka ah u hor istaagay ansixinta sharcigaas oo la filayay inuu taageero ka heli doono dhammaanba xildhibaannada haweenka ah maadaama uu yahay mid lagu ilaalinayo sharafka iyo badqabka gabdhaha Soomaaliyeed.

Haweenkan ayaa kuraastooda ku helay kootada haweenka iyadoo laga filayay inay u qareemaan dhammaan sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda gabdhaha iyo carruurta balse waxaa ay ka doorbideen iyagoo dano gaar ah eeganaya inay khiyaamo qaran ka galaan gabdhaha Soomaaliyeed ee magacooda ay kuraasta ku heleen.

Xildhibaannadan ma sheegin sababta ku kalliftay tallaabooyinka hagardaamada ah ee ay u geysteen gabdhaha Soomaaliyeed balse warar hoose ayaa sheegaya inay hay’adaha qaramada midoobay ay ka dalbadeen lacago loogu kaambayn gareeyo sharcigaas taasoo markii laga ogolaan waayay ay ka doorbideen inay caqabad ku noqdaan sharci masiiri ah oo gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed lagu ilaalinayo iyadoo keeni karta inay kuraastooda ku waayaan doorashada soo socota.

Sidoo kale Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah xildhibaannada mucaaradka ayaa kamid ah xildhibaannada is hortaagay sharcigaas muhiimka ah, isagoo aan cadeyn sababta uu u difaacayo kooxaha caadeystay kufsiga gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed inkastoo uu horay isu hortaagay sharciyo badan oo xukuumaddu waday kuwaasoo muhiim u ahaa danta shacabka.

Waxaase ummadda Soomaaliyeed ka fajicisay in xildhibaanno haween ah ay qeyb ka noqdaan jallaafooyinka lagu mijixaabinayo sharciyada lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta iyo haweenka iyadoo dhacdadani ay tahay mid ugub ku ah intii uu jiray golaha baarlamaanka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...