Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

Faa-faahin dheeraad ah iyo Wararkii ugu dambeeyay duqeyn dad shacab ah lagu dilay oo ka dhacday…

Jilib (Halqaran.com) – Wararka ka imaanaya Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in gelinkii dambe shalay halkaasi ay ka dhacday duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka.

Duqayntaasi ayaa waxaa ku dhintay dad shacab ah oo qaarkood ka yimid tuulooyin hoostagga Degmada Jilib, si ay danahooda gaarka ah uga qabsadaan Magaalada Jilib.

Warbaahinta ku hadashay afka maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxa ay soo bandhigeen magacyadda Saddex ruux oo ku dhimatay duqeyntaasi, iyadoo mid ka mid dadkaasi ay tahay ruux haweenay ah oo da‘deeda lagu sheegay 70 sano jir.

Dadka dhintay ayaa kala ah Goosaar Shaalle Maadey oo Al-Shabaab ay sheegeen inuu ahaa nin ka yimid tuulada Kalaguur oo u dhaw Magaalada Jilib, waxa uu doonaayay inuu dhul ka iibsado Jilib, balse duqeynta diyaaradeed ayuu ku dhintay.

Dadka kale ee duqeynta ku dhintay waxaa ka mid ahaa Maxamed Cabdi Cismaan Khayrow oo Shabaab ay sheegeen inuu ahaa dalaal ka shaqeysta kireynta guryaha & kala iibintooda.

Qofka Saddexaad oo ah haweenay 70 sano jir ayaa Warbaahinta Al-Shabaab aysan soo bandhigin magaceeda, balse ay sheegeen inay ka timid duleedka Jilib ayna u timid Magaaladaasi inay iibiso Khudaar beerteeda uga soo go,day, haweenaydaasi ayaa u dhimatay naxdin ay ka qaaday jugta duqeynta.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa inta badan waxa ay bartilmaameedsadaan deeganada maleeyhiyaadka Al-Shabaab ay joogaan, balse xilliyada qaar duqeymaha shacab aan waxba galabsan ayaa ku dhibaatooba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...