Friday, May 15, 2026
27.3 C
Mogadishu

DHAGEYSO: DF Somaliya oo sheegtay in hadda kadib Muqdisho lagu baarayo dadka looga shakiyo Cudurka Coronavirus

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur

Muqdisho (Halqaran.com) –  Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa Talaadadii maanta ku dhawaaqdey in uu shaqa bilaabay Sheybaarka dhexe ee Qaranka oo lagu baarayo dadka uu gudaha dalka kula dhaco Cudurka Coronovirus (COVID-19).

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur oo Warbaahinta kula hadashay xarunta dhexe ee Sheybaarka Qaranka ayaa shaacisey in hadda wixiii ka dambeeya dadka uu ku dhaco Cudurka Coronavirus lagu baari doono Magaalada Muqdisho.

Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay qalab ka maqnaa Wasaaradda oo qaarkood Hay’addo ay u keeneen inay suurtagal ka dhigeyso in Baaritaanka COVID-19 dalka gudihiisa lagu sameeyo.

Arrintaan ayaa noqonaysa mid guul ah haddii shaybaarka dowladda lagu baarayo dadka looga shakiyo Caabuqa Coronavirus, maadaama markii hore Kenya loo qaadi jiray.

Gudaha dalka Soomaaliya illaa hadda 7 kiis oo Covid-19 ayaa la diiwaangeliyay, waxaana maalmahan soo baxaya walaaca Bulshada ee la xiriira in Cudurka Bulshada dhexdeeda uu ku jiro.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...