
Baardheere (Halqaran.com) – Ciidamada ammaanka Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo, ayaa gubay Qaad si sharci darro ah la doonaayay in lagu galiyo Magaaladaasi.
Ciidanka ayaa Koontaroolka laga galo Baardheere ku qabtay jaadkaan oo lagu waday gaadiid, waxaana subixii Khamiista maanta lagu gubay meel fagaare ah.
Taliyaha amniga magaalada Baardheere ee Ciidamada Xooga dalka, Xidigle Daa’uud Hafow Cali ayaa ka warbixiyay Sida lagu so qabtay Qaadkan waxaana mar kale uu ku celiyay in cidii lagu helaa Qaad ay sidaan oo kale oga hortagayaan lana ogalaanayn in Baardheere Cudur lagu dhax iibiyo sida uu hadalka u dhigey.
Taliyaha amniga Degmada Baardheere ayaa sheegay si looga hortago Covid-19 muhiim inay tahay joojinta qaadka, maadaama Kenya laga helay kiisas la xiriira Coronavirus.
Inta badan Magaalooyinka Soomaalida ayaanan hadda tagin qaad si toos ah dayuurado loogu geeyo, balse waxaa taga kaliya qaad lagu geeyo si dhuumaaleysi ah, kaasi oo aan badneyn kana qaalisan lacagtii hore ee lagu kala iibsan jiray.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waqti dheeri ah ku dartay xirnaanshaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda, taasi oo meesha ka saareysa qaadkii faraha badnaa ee dalka Kenya laga soo dhoofin jiray.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





