Wednesday, April 29, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in loo hoggaansamo talooyinka caafimaad ee looga hortagayo COVID-19

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Muqdisho (Halqaran.com) –  Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay mideeyaan cududdooda iyo awooddooda, una istaagaan sidii ay dalkooda uga samata-bixin lahaayeen duruufaha caafimaad ee caabuqa Coronavirus uu dhaxal siiyey dalal badan oo caalamka ah.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay si weyn uga murugoodeen dadka Soomaaliyeed ee qurbaha ugu geeriyooday cudurkan, isaga oo Alle caafimaad deg-deg ah u weydiiyey dadka kale ee bukaanka ah.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ducada ugu xusay Raiisul Wasaarihii Hore ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ka mid ah dadkeenna la xanuunsan caabuqan.

“Dadka Soomaaliyeed -gudaha iyo dibaddaba- waxaan ugu baaqayaa in ay u hoggaansamaan awaamiirta iyo talooyinka caafimaad ee lagu xaqiijinayo badqabkooda.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in ilaa hadda dalkeenna la xaqiijiyey saddex qof oo uu ku dhacay cudurkan, waxa uuna ugu baaqay shacabka in la joogteeyo ilaalinta fayo-dhowrka oo ay ugu muhiimsan yihiin dhiqidda gacmaha, yareynta kulan wadareedyada iyo fulinta guud ahaan talooyinka caafimaad ee ka hortagga ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey dadka Soomaaliyeed in ay joogaan guryahooda, xil weyna ay iska saaraan badqabka naftooda iyo bulshadooda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...