Wednesday, April 22, 2026
27.6 C
Mogadishu

Dhacdo Naxdin leh: Haweeney isku dishay magaalada Guriceel, kaddib markii ay…

Magaalada Guriceel

Guriceel (Halqaran.com) – Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo warramayaa in halkaasi uu ka dhacday fal argagax leh, kadib markii haweenay halkaasi ay isku dishay.

Haweenayda isdishay ayaa la sheegay inay cabtay Sun, kadib markii ay ka maseertay saygeeda oo xaas kale la guursaday, sidaasina ay isku dishay.

Wararka ay haleyso mareegta Halqaran.com ayaa sheegaya, in haweenaydan sunta ay cabtay xalay, kadibna subixii Talaadada maanta loola cararay Isbitaalka Fayo ee magaalada Guriceel halkaasi oo ay ku geeriyootay.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay hadal hayaan dhacdadan argagaxa leh ee ka dhacday Magaalada Guriceel oo dadka siyaabo kala duwan uga hadlayaan.

Ilaa iyo hadda kama aysan hadlin maamulka magaalada Guriceel falkaan ka dhacay Magaaladaasi ee haweenayda ay isugu dishay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...