Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

Taliska ciidanka xoogga dalka oo war ka soo saaray la wareegistii maanta deegaanka Janaale

Janaale (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliyeed S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay ciidanka xoogga in deegaanka janaale ay sibuuxda ula wareegen, kadib markii ciidanka ay dhoowr jiho kagaleen degaankaasi islamarkaana Al-Shabaab ay isaga baxeen.

Taliyaha oo ku sugan deegaanka Janaale ayaa tilmaamay in haatan uu nabad degaankaasi yahay mid wanagsan, isla markaana Ciidamada ay ka wadaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Al-Shabaab.

S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa ugu baaqay shacabkii deegaanka inay kusoo laabtaan guryahooda, kuwaas oo cabsi dagaal darteed uga barakacay.

Deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa muddo ka badan 10 sano Gacanta ku haayey Al-Shabaab, hayeeshee ugu dambeyn ay soo gashay gacanta dowladda.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...