Sunday, April 26, 2026
28.2 C
Mogadishu

DF Soomaaliya oo joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ah +(VIDEO)

Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay si ku meel gaar ahi u joojisay dhammaan duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray, sababo ku aadan cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in muddo shan iyo toban maalmood la joojiyay diyaaradahii rakaabka ee dalka imaan jiray.

Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ayaa cadeeyay in xanibaadaan ay bilaabi doonto maalinta Arbacada, oo taariikhdu ay ku beegan tahay 18-ka bishan.

Wasiirka ayaa waxa uu muujiyay in xayiraadda ay soo rogtay Dowladda Soomaaliya ay ka dambeysay, ka dib markii uu shir isugu yeeray Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Sidoo kale, waxaa uu iftiimiyay in shirkaasi uu yimid, markii la xaqiijiyay in kiiskii ugu horeeyay oo Coronavirus laga helay qof lagu hayo Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xilli dalka dibadiisa uu ka yimid.

Hadalka Wasiir Oomaar ayaa laga dhadhansan karaa in Dowladda Soomaaliya, ay si dhab ah u qaadatay kiiskan laga soo wariyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ugu dambeyn, Feyraska Corona oo si xowli ah ugu fidaya dalalka dunida ayaa walaac xoogan ku dhaliyay madaxda caalamka, waxayna bilaabeen xayiraado ay dalalkooda uga joojinayan duulimaadyadii dibadda uga imaanayay.

https://www.facebook.com/sntvnews/videos/604500603466687/

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...