Muqdisho (Halqaran.com) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa Isniintii maanta xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus in laga helay Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
Wasiirka caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya, Fowsiyo Abiikar Nuur oo la hadashay Warbaahinta Qaranka, ayaa waxa ay sheegtay in la helay kiiskii ugu horreeyay oo Coronavirus ah.
Muwaadinka kiiskaan laga helay, ayaa waxa uu ka yimid dalka dibadiisa, waxaana ay intaasi ku dartay in lagu karantiilay goob dadka lagu baxnaaniyo oo dowladda ugu talo gashay.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegtay inay ku dadaalayaan daryeelka muwaadinkaasi Soomaaliyeed ee laga helay Feyraska Corona.
Soomaaliya oo ah dal ka soo kabsanaya dagaallo sokeeye, ayaanan lahayn daryeel caafimaad oo wanaagsan, marka loo eeggo tayada dhakhaatiirta iyo qalabka kala duwan ee dalka yaala, dhakhaatiirtana isticmaalaan.
Si kastaba, waa kiiskii ugu horreeyay ee Coronavirus oo laga helay gudaha Soomaaliya, xilli dalalka deriska laga helay kiisas lala xiriira caabuqan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






