Sunday, April 26, 2026
24.9 C
Mogadishu

DAAWO VIDEO: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in lagu fashilmay in xal laga gaaro khilaadka DF Somaliya iyo Puntland

Garowe (Halqaran.com) – Madaxwaynaha dowlad goboleedka Puntland, mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan Madaxwayne ku Xigeenka, guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo masuuliyiin ka socday DF Soomaaliya iyo Marti sharaf kale ayaa ka Qayb galay Shirwaynaha Wadatashiga Puntland oo Axaddii maanta ka furmay Magaaladda Garowe.

Mudane Saciid Deni ayaa Shirkan ka jeediyey Khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa ka hadlay Xaaladihii kala duwanaa ee Puntland ay soo martay.

Wuxuu xusay in 22-Sanno kadib, in Puntland ay gaartay Horumar, Sida Dhismaha ciidamada, Hanaan Dawladnimo, Kaabayaal dhaqaalle iyo Horumarinta Adeegyadda Bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay Caqabado Siyaasadeed, Kuwa Amni oo ka yimid Cadow kala duwan oo ka samin waxyeelaynta Puntland.

“Waxaa Muhiin nala Noqotay  oo Shirkan aanu ugu baaqnay inay isku Waydiino oo ka Jawaabno,   Maxaa inooga Qabsoomay  Wixii Puntland loo dhisay, Maxaa Qabyo inooga ah, Maxay Yihiin Caqabadaha ka Jira  Gudaha Puntland ee u baahan in wax laga Qabto, Maxaa ka Qabsoomay  u jeedooyinkii in la Helo Dawlad Soomaaliyeed ee Federaal ah” ?  ayuu yiri Siciid Deni

Geesta Kale, Saciid Deni ayaa Khudbadiisa uga hadlay Horumarka kala duwan ee Puntland  ay ku taalabsatay muddooyinkii ay jirtay dhinaca Ganacsiga, Waxbarashada, Caafimaad iyo Maalgashiga .

Wuxuu ka hadlay Kaalinta Puntland ay ka Qaadatay dib u dhiska Dawladnimo Soomaaliyeed, isagoona sheegay inay Puntland Hormuud u ahayd dhismaha DF Soomaaliya ee maanta dhisan.

 “Wanaaga Iyo Sharafta Puntland waxay ku Jirtaa wanaaga Soomaali Idilkeed Shacab iyo Dawladba”, ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Ugu dambeyn,  mar uu soo hadal qaaday Khilaafka dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayuu sheegay inay hareer mareen waxyaabihii lagu dhisay, oo ay doonayaan inay awooda Maroorsadaan, Islamarkaana ay Caburin ku hayaan maamulada dalka,  Iyadoo aan  inaan Mudnaan lasiin Dhamaystirka Dastuurka, Dhismaha Ciidanka , La dagaalanka Al-Shabaab, iyo Qabsoomida Doorashada.

Balse wuxuu sheegay inay sameeyeen Sharciyo danno gaar ah laga leeyahay,  islamarkaana  Deeqihii Caalamka  aan si Hufan loogu qaybin dadka Soomaaliyeed, oo arrimo siyaasadeed loo isticmaalay, sida uu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Khudbadda Madaxweyne Saciid Deni:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...