Wednesday, May 6, 2026
28.3 C
Mogadishu

UPDATE: Dood ka taagan soo jeedinta ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Galmudug (Maxaa cusub?)

Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa dood adag ka yeeshay gudoonka gollaha u gudbiyay soo jeedin ay Ku codsanayaan in la meel mariyo wax ka badalka qodobka 30-aad ee Dastuurka Galmudug oo dhigaya xubin Baarlamaanka ka mid ah in aysan qayb ka noqon Karin Gollaha Wasiirada .

Xildhibaanno ka badan 20 Mudane ayaa qaba in Xildhibaanada aysan ka mid noqon Golaha Wasiiradda.

Waxaa jira Xildhibaanno badan oo kasoo horjeedda tilaabadda looga hor istaagayo in ay ka mid noqdaan Wasiiradda.

Kulanka oo ay xaadireen 48-mudane waxaa shir gudoonshay Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal iyo Ku xigeenka Labaad Faadumo Faandhe iyadoo xildhibaanada Dooda ka hadley oo aad ugu kala aragti fogaa soo jeedintan wax ka badalka Dastuurka uu mid walbaa cuskadey qodobo uu Ku tusaaleynayay Xubnaha gollaha ,

Maalinta Sabtida ayaa lafilayaa in golluhu codka u qaado soo jeedintan .

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...