Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

Barakac ka billaawday magaalada Mandheera & Wararkii ugu dambeeyay

Mandheera (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Mandheera ee xadka dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegay in dad badan ay halkaas ka barakacayaan, kuwaas oo ka cabsi qaba xiisadda maalmahanba ka taagneyd deegaankaasi.

Dadkan aya la sheegay in u qaxayaan deegaannada kale ee hoos taga ismaamulka Mandheera oo ay kamid yihiin Carabiya, Raamu, Takaba, Khalaaliyo iyo dhanka kale ee dalka Itoobiya.

“Sidii aan u joognay ciidan duulaya ayaa ina soo galay, laba ciidan dhexdood ayaa galnay, halkanna waxa xuduud, caruurtii iskuullada aadayay khatar ayay ku jiraan, nafsadeenna khatar ayay ku jirtaa, waan qaxeynaa sababtoo haddii u madfac kugu soo dhaco halkee la aadi,” ayay tiri haweeney kamid ah dadka Jimcihii maanta ka qaxay Mandheera.

Dowladda Kenya ayay sheegtay in aysan waxbadan ka qaban ilaalinta ammaanka magaalada, taasina ay keentay inay u barakacaan deegaannada kale ee Mandheera.

Sidoo kale, Rashiid Isaaq oo kamid ah dadka ka qaxaya magaalada ayaa sheegay in dagaalkii dhawaan ka dhacay xuduudka uu khatar badan ku keenay noolashooda, haatanna aysan dooneyn in arrintas oo kale ay la kulmaan.

Si kastaba, ciidamo katirsan Jubaland ayay dadka deegaanka sheegeen in ay ku sugan yihiin qeybo kamid ah Mandheera ee dhanka xuduudka Kenya, inkastoo Jubaland ay arrintaas beenisay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...