Muqdisho (Halqaran.com) – Boqolaal askari oo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ayaa Khamiistii tababar loogu soo xiray Xerada Ciidamada Turkiga ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ee Turksom.
Ciidamadan oo noqonaya kuwoodii ugu badnaa ee markeliya tababar loogu soo xiro Xerada Turksom ayaa tababarkan ku soo qaatay dalka Turkiga, iyadoo dhawaana ay dalka dib ugu soo laabteen.
Ciidamadu waxay ku biirayan Xoogaga Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka, loona tababaray la dagaalanka maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage iyo Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, Xasan Cali Maxamed (Amar Dambe) ayaa ka qaybgalay munaasabadda tababarka loogu soo xiray Ururka 4aad ee Kumaandooska Gorgor.
Taliyaha Ururka 4aad ee Kumaandooska Gorgor, Dhamme Maxamed Axmed Carab oo ka waramay intii uu tababarka u socday ayaa sheegay in la baray dhammaan cilmiga ciidamada, ayna yihiin ciidan tababar gaar ahi qaba.
General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu wareejiyay ciidamadan cusub ayaa munaasabadda ka sheegay in lagu biirin doono hawlgalada dalka ka socda, ee lagula dagaalamayo Shabaabka hubeysan.
Wasiirka Gaashandhiga Somaliya, Xasan Cali Maxamed oo isna goobta ka hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed meelkastoo ay dunida ka jooggaan ugu yeeray inay garab istaagaan Ciidamada Qaranka.
Ugu dambeyn, Turkiga waxaa lagu tilmaamaa saaxiibka ugu weyn ee maanta Soomaali leedahay, markaad eegto taageerada dhinac walba leh ee uu siiyo.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com













