Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa markale la horkeenay nin ka tirsan Ururka Daacish, oo billo ka hor Magaalada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Ilaalada Xamar.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Maxamed Faarax (Abuu Hureyra) ayaa askariga oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdi Dhuxulow uu ku dilay Suuqa Siinaay ee Degmada Warta Nabadda. Dilka waxaa la sheegay inuu dhacay 5-tii bishii August ee sanadkii 2019.
G/sare Cabdullaahi Buule Kamey, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa waxaa uu Maxkamadda ka codsaday in xukun dil ah lagu xukumo ninkan, oo dilka uu gaystay uu ku wehlinayay nin kale, kaasoo baxsad ahaan kaga maqan gacanta sharciga.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida, Korneyl Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa ku dhawaaqay in dhageysiga dacwadda ninkan ay halkaasi ku soo geba-gabeeyen, go’aanka maxkamadana ay dib ka soo saari doonaan.
https://www.facebook.com/shute/videos/646141479477014/
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





