Wednesday, June 3, 2026
26.8 C
Mogadishu

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland: ‘‘Waxaan joognaa goob aan kala dagaallami karno ciidanka DF Somaliya‘‘

BeledXaawo (Halqaran.com) – Madaxweyne Ku xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayiid oo la hadlay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandheera iyo BeledXaawo.

Maxamuud Sayid ayaa sheegay inay ku sugan yihiin goob ay isaga difaaci karaan Ciidanka dowladda Federalka Soomaaliya.

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo BeledXaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo booqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland oo aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaasi raaciyay in ciidankii Jubaland ee dhawaan halkaas dagaal ku galay ay ka guureen xeradii ay markii hore deganaayeen, waxaana uu yiri.

“waxaan u guurnay xero kale oo isla halkii ah maadaama kii hore uu ahaa goob ay deganaayeen dad rayid ah, kan hadda aan degannahayna waa mid goobaha shacabka ka fog oo haddii nala soo weeraro aan isku difaaci karno”.

Waxaa kale oo uu sheegay in khilaaf walba oo ku saleysan doorashada Jubaland ay ahayd in lagu xalliyo hab siyaasadeed, balse aanan ciidan lagu dabaqin.

Mar wax laga weydiiyay xiriirka kala dhaxeeya ciidanka Kenya ayuu sheegay inay iska kaashadaan dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab oo keliya, waxaana uu beeniyay eedeyn uga timid dhanka kale ee Beled Xaawo oo sheegay in ciidanka Kenya ay gacan siiyeen xoogagga Jubaland.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...