Saturday, July 11, 2026
24.7 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: Midowga Yurub oo gaadiid ciidan ugu deeqay Koonfur Galbeed

Baydhabo (Halqaran.com) – Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo ayaa Maamulka Koonfur Galbeed ku wareejiyay gaadiid ciidan, oo loogu talagalay Booliska Koonfur Galbeed.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna Maya ayaa wafdiga Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ku soo dhaweeyay Magaalada Baydhabo, iyadoona ay kulan amniga looga hadlayay ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada.

Wakiilka ayaa kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha Ciidamada Booliska ka sheegay in Midowga Yurub uu dardargelin doono taageeradiisa ku aadan tababarada iyo tayaynta Ciidamada Qalabka Sida.

Kulanka ka dib ayuu Wakiilka Midowga Yurub uu gaadiidkan uu ku wareejiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, oo tallaabadaasi kaga mahadceliyay Midowga Yurub.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa isna gaadiidkaasi ku wareejiyay Isaaq Cali Subag, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, oo goobtaasi ku sugnaa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...