Thursday, July 16, 2026
27.2 C
Mogadishu

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ku dilay xubno Al-Shabaab ah

Sh/Hoose (Halqaran.com) – Diyaaradaha dagaalka Mareykanka oo gacan ka helaya ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Danab ayaa waxa ay duqeyn dhinaca cirka ah ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobalka Shabeelaha hoose oo ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Qoraal ka soo baxay taliska Mareykanka ee Africa loona yaqaan AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday deegaanka Kuunyo barrow 28-kii bishan lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo deegaankaasi ku sugnaa.

AFRICOM qoraalkooda waxaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku dileen 2 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab, waxaana Mareykanku uu tilmaamay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah inta ay howlgalka ku guda jireen.

Warbaahinta ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa waxaa lagu daabacay in duqeynta Mareykanka uu ka fuliyay Kuunyo barrow ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah.

Mareykanka ayaa sanadkan 2020 waxa uu kordhiyay duqeymaha uu ka fulinayo Koonfurta Soomaaliya oo ku sugan yihiin dagaalyahanada Al shabaab, waxaana Mareykanka uu muddooyinkii dambe duqeymo isdaba jooga ka geysanayay gobalka Jubbada dhexe oo si buuxda gacanta ugu hayaan Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...