Thursday, July 16, 2026
25.2 C
Mogadishu

XOG HOOSE: DF Somaliya oo cabsi weyn soo food saartay iyo Mukhtaar Roobow oo Xabsi Guri la …

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar hoose oo ay helayso Halqaran.com, ayaa sheegaya, in dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado qorshe ku aadan in wadaadka Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur), Afhayeenkii Hore ee Al-shabaabin laga dhigayo xabsi guri.

Qorshaha Dowladda oo ay ka fal-celiyeen xubnaha u olaleynaya sii deynta Roobow ayaa waxay sheegeen in ay aad uga walaacsan yihiin talaabadaasi ay dowladda qaadeyso.

Xogta Halqaran.com ay heshay ayaa sheegaysa in ay dowladda Soomaaliya ka cabsi qabaan in Maleeshiyaadka Al-Shabaab ay beegsadaan Muqtaar Roobow, oo kamid ahaa aas-aasayaashii Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Shaqsiyaadkaan oo siyaabo kala duwan uga hadlay warbaahinta gudaha ayaa waxay mar kale ku celiyeen dalabkooda ahaa in lasii daayo Roobow.

Mukhtaar Roobow ayaa bishii December sanadkii hore laga soo xiray magaaadda Baydhabo, talaabo u muuqatay in looga horjoogsanayay ka qaybgalka doorashadii Koonfur Galbeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...