Wednesday, May 6, 2026
30.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in ciidamada dowladda ay dhac ka billaabeen BeledXaawo?

BeledXaawo (Halqaran.com) – Ciidamadii ay Dowladda Soomaaliya u daabushay Degmada BeledXaawo ee Gobolka Gedo ayaa lagu eedeeyay inay durbaba dhac ka billaabeen degmadaasi, xilli ay maalmo qura jooggaan.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland, Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa Ciidamada Dowladda ku eedeeyay inay dhibaato ka wadaan Degmada BeledXaawo.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay inay tani muujineyso dhac uu ku eedeeyay inay durbaba kula kacayan bulshada kala duwan ee ku dhaqan degmadaasi, sida uu yiri.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray inay Ciidamada Dowladda qalqal ku hayaan dadka reer BeledXaawo, oo sida uu sheegay ku noollaanayay amni iyo xasilooni, in muddo ahba.

Cabdinuur Ibraahim Xuseen, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland ayaa ka digay in amnigii ay haysteen dadka reer BeledXaawo loogu bedelo mushkilad, ay ugu horeyso nabadgelyo-darro.

Cabdinuur Ibraahim oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay joojiso dhibaatada ay masuulka ka tahay ee ay ciidamadeedu ka wadaan Gobolka Gedo.

Goobo badan oo ay horey ula wareegeen Ciidamada Dowladda ayaa siyaabooyin kala duwan looga soo wariyay in ay ka gaysteen falal isugu jira dil, dhac iyo kufsiba.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...