Sunday, May 31, 2026
26.4 C
Mogadishu

Xiisad adag oo ka dhalatay ganacsatadii lagu laayay Gaalkacyo & Wararkii ugu dambeeyay

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya inay xiisad ka dhalatay afartii nin ee ganacsatada ahaa ee Khamiistii lagu dilay Koonfurta Gaalkacyo.

Dabley hubeysan ayaa rasaas oodda kaga qaaday gaari ay la socdeen ganacsatada, xilli uu maraayay afaafka hore ee Magaalada Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in tallaabada lagu dilay ganacsatadaasi ay salka ku hayso aanooyinka qabiil, ayna jirto baqdin laga qabo in ay aargudasho dhacdo.

Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed ayaa dhacdadaasi waxa uu ku tilmaamay mid aad iyo aad u fool xun, islamarkaana ay ka xumaadeen dadka reer Gaalkacyo.

Guddoomiye Ku-xigeenka oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa iftiimiyay in dableyda dilka gaysatay, ay xogta ku hayaan inay yihiin maleeshiyo beeleed, balse maanu sheegin cidda ay taabacsan yihiin.

Inkastoo sida uu sheegay ay degan tahay xaaladda Magaalada Gaalkacyo ayuu dhanka kale xusay inay socdaan dadaalo, ay garwadeen ka yihiin Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Mudug, si looga baaqsado dhibaato ka dhalata dilkaasi.

Marka laga soo taggo hadalka ka soo yeeray guddoomiye Ku-xigeenka ayay dadka ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo, ay kuu sheegayan in dilkaasi uu dareen cabsi leh ku abuuray dadka deegaanka.

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa ka mid ah magaalooyinka ay weli ku dambeeyan dilalka ku aadan aanooyinka qabaa’ilada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...