Saturday, May 2, 2026
28.1 C
Mogadishu

Nabaddoon ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku soo dhiibay Jubbaland

Ugaas Maxamed Macallin Muxumed, waa Nabaddoonkii ka tirsanaa Al-Shabaab ee isa soo dhiibay.

Afmadow (Halqaran.com) – Saraakiisha Ciidamada Maamulka Jubbaland, ayaa waxa ay sheegeen inuu isku soo dhiibay Nabadoon ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Nabadoonka ayaa Magaciisa waxaa lagu sheegay Ugaas Maxamed Macallin Muxumed, waxaana saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ka howlgalla degmada Afmadow ay sheegeen in Nabadoonka uu Ugaas u ahaa mid kamid ah Beelaha dega Jubbaland, hayeeshee uu ku biirey Al-Shabaab.

Nabadoonkan ayaa la sheegay inuu la soo xiriiray laamaha ammaanka Maamulkaasi, islamarkaana uu u sheegay inuu rabo isa soo dhiibis.

Waxa uu tilmaamay in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay Magaalada Afmadow, islamarkaana sababta ku kaliftay inuu isa soo dhiibo ay tahay dhibaato Al-Shabaab uu la kulmay.

Maamulada qaar ee dalka ka jira ayaa horay u soo bandhigi jiray Askar iyo Saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo isa soo dhiibta, balse Nabadoonkan Ururka Al-Shabaab ka soo goostay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...