Sunday, April 26, 2026
31.2 C
Mogadishu

Faah-faahin ku saabsan askar ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho iyo mas’uul ku dhaawacmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ka soo baxaysa qarax miino oo Sabtidii maanta ka dhacay isgoyska Xoosh ee degmada Dharkeyley ee gobolka Banaadir. Waxaanta goobta qaraxa ka dhacay ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Kaxda.

Sida wararka ay sheegayaan guddoomiye Ku xigeenka Amniga Maamulka Degmada Kaxda ayaa dhaawac uu soo gaaray, waxaana halkaasi ku dhintay laba Askari oo illaaladiisa ka mid aheyd.

Gaariga qaraxa lala eegtay ayaa ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan-ta, waxaana la socday guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Kaxda, Cabdinaasir Xasan Cali.

Askarta dhimatay iyo dhaawaca Guddoomiye Ku xigeenka ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu daaweynaayo.

Waa qaraxii labaad oo miino ah oo subixii Sabtida maanta ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo kii hore lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom oo maraayay nawaaxiga Excontrol Balcad.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...