Friday, May 1, 2026
28.4 C
Mogadishu

Sheekh Maxamed Shaakir oo loo doortay madaxweynaha cusub Galmudug ee garabka Ahlu Sunna

Dhuusamareeb (Halqarna.com) – Xildhibaannadii ay shalay soo bandhigtay Ahlu Sunna ayaa Arbacadii maanta madaxweynaha Galmudug u doortay Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan

Doorasho ka dhacday Magaalada Dhuusamareeb ayaa Xildhibaanada Ahlu Sunna, waxa ay ku doorteen Madaxweyne inuu noqdo Sheekh Shaakir.

Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa Xildhibaanada Garabka Ahlu Sunna, waxa ay ugu codeeyeen in Sheekh Maxamed Shaakir Cali uu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Laba Musharax oo la tartameysay Sheekha ayaa tanaasulay, sidaasi ayaana lagu doortay.

Xaaladda Galmudug ayaa ah mid sii cakirmaysa, maadaama ay u muuqato doorashadii Galmudug inay isku bedeshay xaalad fowdo ah.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...