Thursday, April 30, 2026
32.9 C
Mogadishu

DAAWO SAWIRRO: RW Kheyre oo maanta daah-furay mashruuc ay ku baxeyso 1.6 Milyan oo Doollar ah.

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa Isniintii maanta furay mashruuc lagu maal gelinayo 340 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo soo bandhigay hal abuur ganacsi oo guuleystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa fulineysa barnaamijka, waxaana maal gelinaysa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) oo ku binaysa US$1.6Mliyan, waxaana ka qayb qaadanaya qaar ka mid ah shirkadaha ganacsiga dalka.

Mashuurcaan ayaa qayb ka qaadanaya horumarinta dhaqalaha dalka, Kobcinta dhaqaalaha qoyska, abuuridda fursado shaqo, iyo in dhallinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan Dembiyada iyo xagjirnimada.

Dhallinyarada ka faa’iideysanaya Barnaamijkaan ayaa ka yimid dhammaan gobollada dalka, waxaana hal abuurrada ganacsi ee loo maalgalinayo kamid ah Beeraha, kalluumeysiga, Tamarta iyo Tiknoolojiyadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa muhiimadda koowaad siineysa awood siinta dhallinyarada iyo u abuuridda fursado shaqo oo ay ku daboolaan baahiyadooda, qayb waynna ka qaata horumarka guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...