
Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug ee waqtigiisa uu dhammaaday, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa si adag uga soo horjeestay liiska Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Galmudug oo Jimcihii shalay la soo saaray.
Mr. Xaaf ayaa waxa uu ku sheegay qoraal uu soo saaray in lala xisaabtami doono dadkii ka dambeeyay soo saarista liiskaasi Xildhibaannada ah.
Sidoo kale, wuxuu xusay go‘aanka soo xulista Xildhibaanada cusub ee Galmudug inay leeyihiin Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug.
Halka hoose ka akhriso war-saxaafadeedka:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






