Sunday, April 26, 2026
27.9 C
Mogadishu

Maxay qaban jirtay haweeney maanta lagu dilay Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxay faah faahin ka soo baxeysa dilka haweeneydan maanta loogu gaystay Waqooyi Bari ee Magaalada Muqdisho, iyadoona ay dilka kadib baxsadeen kooxihii dilay.

Rag bastoolado ku hubeysnaa ayaa waxay haweeneydan ku dileen Degmada Hiliwaa, gaar ahaan Suuqa Degmada Hiliwaa.

Raggan oo lala xiriirinayo Ururka Al Shabaab ayaa ka baxsaday goobtii ay dilka ka gaysteen, halkaasoo ay daqiiqado ka dib gaareen Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Degmadaasi Heliwaa.

Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Nasra Cali Geesood ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahayd guddoomiye Waaxeedyada ka jira Degmada Hiliwaa.

Nasra Cali ayaa ahayd hooyada lix carruur ah, oo wilal iyo hablaba isugu jira.

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada ayaan ka hadlin dilka haweeneydaasi loogu gaystay Suuqa Degmada Heliwaa.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ayaa beegsada xubnaha u shaqeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...