Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddiga Farsamada iyo Maamul dhisidda ee Dowlad Goboleedka Galmudug oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay si rasmi ah u billaaban doonto xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.
Guddoomiyaha guddiga farsamada iyo maamul dhisida Galmudug ayaa sheegay in is fahan buuxa laga gaarey dhammaan tabashooyinkii ay qabeen Beelaha, isla markaana laga raali-geliyey bulshada Galmudug dib u dhaca xulista Xildhibaannada.
Sidoo kale, wuxuu xusay guddoomiyuhu in xilligaan wixii ka dambeeya si toos ah loo guda geli doono xulista Baarlamaanka Galmudug, loogana baahan yahay inay u diyaar garoobaan xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka Galmudug.
Odayaasha ayaa la ogeysiiyey in ay si deg-deg ah ugu soo gudbiyaan guddiga liiska xildhibaannada si loogu gudbo howsha tan xigta.
Halka hoose ka dhageyso Codka Shirka Jaraa’id:
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






