Friday, June 19, 2026
25.8 C
Mogadishu

UPDATE: Magaca Ninkii hoggaaminayay weerarkii Kenya habeen hore oo la shaaciyay

Dhadhaab (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska dalka kenya ayaa shaaciyay magaca ninkii hoggaaminayey weerarkii Habeen hore lagu qaadey Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Booliska Kenya oo ku yaalla deegaanka Sareedo, kaas oo ay ku geeriyoodeen dad Arday u badan.

Weerarka oo ka dhacay Xilli habeen ah tuulada Sareedo ee deegaanka Dhadhaab ee ismaamulka Gaarisa ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo isugu jira Saddex Arday iyo mid kamid ah Ciidamada Ammaanka.

Guddoomiyaha deegaanka Dhaddaab, Kibet Bowen ayaa shacabka ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeri ah maadaama ay bateen Weerada Al-Shabaab, isla markaana ay la Shaqeeyaan Hay’adaha Amniga.

Ugu dambeyn Booliska Kenya ayaa xusay in weerarkaasi uu ka dambeeyey nin lagu magacaabo Mawliid Bilaal, kaasi oo ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab macallin ka ahaa isuul ku yaalla deegaankaas.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...