Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Q.M iyo Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan waxa uu si adag u dhaleeceeyay weerarkii shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Muqdisho.

“Aad ayaan uga xumahay weerarkan bahalnimada ah ee aan kaliya muujineyn xurmeyn la’aanta nafta bani aadanka balse gallaafanaya nolosha Soomaalida ka shaqeynaya in ay hagaajiyaan nolosha walaalahooda kale ee Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir” ayuu yiri James Swan.

Swan ayaa u tacsiyeeyay eheladii asxaabtii dadkii ku dhintay qaraxa isaga oo caafimaad u rajeeyay dhaawacyada.

Ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay Soomaaliya ka taageeri doonto dagaalka ka dhanka ah argagaxisada.

Waxaa sidoo kale weerarkan war-saxaafadeed ku cambaareyey xafiiska Midowga Afrika ee Somaaliya.

”Aniga oo ku hadlay magaca AMISOM wax aan erayada ugu adag ku cambaareynayaa weerarkii lala eegtay xafiiska duqa Magaalada Muqdisho wax uuna weerarka ahaa fal naceyb ah oo ka dhan ah dadka Soomaaliyeed, waxaa la doonayaa in dadka lagu argagaxiyo lana joojiyo horumarka dalka ka socda” ayuu yiri ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Qof ayaa shalay galab isku qarxiyay hool ay ku shirayeen masuuliyiinta ugu sareysa gobolka Banaadir, waxaa halkaasi ku dhintay saddex guddoomiye degmo iyo saddex Agaasime halka guddoomiyihii gobolka iyo masuuliyiin kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...