Monday, May 4, 2026
28.4 C
Mogadishu

WAR NAXDIN LEH: Wiil Soomaali ah oo Aabihiis ku dilay dalka Jarmalka

Hamburg (Halqaran.com) – Waxaa Khamista galabta ka dhacay dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Hamburg, dil aad looga naxay oo uu geytay Wiil Soomaali ah, kaddib markii uu gacantiisa ku dilay Aabihii dhalay.

Sida warbaahinta dalka Jarmalka ay baahiyeen, Wiilkan Soomaaliyeed oo 17 sano jir ah ayaa toorey ama (mindi) u adeegsaday dilka Aabihiis oo 57 sano jir ahaa. Dilkan ayaa dhacay abaaro 15:41 PM saacadda dalka Jarmalka.

Wiilka Soomaaliga ah oo magaciisa lagu sheegay Axmed iyo Aabihiis oo lagu magacaabi jiray Nuur Faarax Xuseen, ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran xooggan. Lama oga ilaa iyo hadda wuxuu salka ku hayay.

Booliska magaalada Hamburg oo durba goobta dilka ka dhacay tegay ayaa gacanta ku dhigay wiilka dilay Aabihiisa, iyagoona iminka wada baaritaanno la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Mana jirto wax faah-faahin ah oo uu ilaa iyo hadda bixiyay booliska magaalada Hamburg oo ku aadan dilkaasi.

Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Jarmalka ayaa aad uga naxay dilka naxdinta leh ee ka dhacay magaalada Hamburg.

Source – Halkaan Riix si aad u akhriso warkan oo Af Jarmal ku qoran.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...