Sunday, April 19, 2026
27.9 C
Mogadishu

Wasiir Maareeye oo Kashifay arrin uu la yaabay uu ku soo arkay Xeebta magaalada Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa xeebta Muqdisho wuxuu ku soo arkay arrin uu la yaabay, kadib markii saaka isaga iyo Xildhibaan Cali Ganey ay tageen.

Mr. Maareeye oo muuqaal kooban oo Baraha Bulshada la soo galiyay ka duubay xeebta ayaa sheegay in malaaygii yar yaraa ee badda ku jiray xeebta uu buuxo isaga oo dhintay.

Wasiirka ayaa xusay arrintaasi inay muujinayso sun lagu shubay badda, maadaama malaayga uu dhintay isaga oo fara badana uu buuxo Xeebta Afaafkeeda hore.

“Saaka aniga Xildhibaan Cali Ganey oo xooggaa Jimicsi ah u tagnay badda, ayaan waxaan ku soo aragnay arrin lala yaabo oo ah malaaygii yar yaraa ee dhalanaayay oo isaga oo dhintay Banaanka u soo baxay, runtii waa nasiibdaro wayn in badeena sun lagu shubo oo malaayga sidaasi u soo baxo.” Ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay dowladda Somalialya inuu la wadaagi doono arrintaasi una gudbin doono muuqaalka ay duubeen si madaxda Qaranka arrintaasi loola socodsiiyo.

Xeebaha Somaliya ayaa markii horeba waxaa si sharcidaro uga kalluumeysan jiray maraakiib Shisheeye, sidoo kalena sunta iyo qashinka isaga soo daadin jiray.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...