Saturday, May 2, 2026
30.9 C
Mogadishu

Madaxweynaha Jabuuti ‘Geelle’ oo si kulul uga hadlay qaraxii shalay ee Ex-Kontrol Afgooye ee Muqdisho

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle /Sawir hore/Keydka Halqaran.com

Jabuuti (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee shalay ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Mudane Geelle ayaa sheegay in u jeedka qaraxaasi laga lahaa uu ahaa wiiqidda xasilloonida ka jirta Soomaaliya.

Wuxuu madaxweynaha Jabuuti sidoo kale sheegay in dalka Jabuuti ay ka go’antahay caawinta iyo garab istaagidda shacabka Soomaaliyeed ilaa ay ka helayaan xaalad deganaasho ah.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ay tahay in su’aal leyska weydiiyo weerarrada iyo qaraxyada dhimashada badan geysta ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jamhuuriyadda dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay qaraxii khasaaraha badan geystay ee Sabtidii shalay ka dhacay Ex-Kontrol Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...