Monday, July 6, 2026
25.4 C
Mogadishu

Tiro Dad ah oo lagu afguubtay duleedka magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Wajeer (Halqaran.com) – Inta la ogyahay 4 ruux ayaa lagu afduubtay duleedka Magaalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Guddoomiye ku xigeenka Bariga Wajeer Cumar Bijaa ayaa u sheegay Wargeyska Daily Nation in  afarta qof ee la afduubtay ay ahaayeen shaqaale dhisme.

Cumar ayaa xusay in shaqaalaha dhismaha ay wateen Gaari  dul banaan ah islamarkaana ay dhisme ka wadeen waddada isku xirta Riba  iyo  Konton oo hoos taga Magaalada Wajeer.

Guddoomyie Cumar ayaa sheegay in darawalkii Gaariga uu ka baxsaday ragga afduubka geystay kaddib markii uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya kaddibna cagaha wac ka dayay.

“Waxaan xaqiijin karaa in wadaha Gaariga ay shaqaalaha wateen uu lugtiisa ku baxsaday, waxaa uu iska dhigay Nin Taleefan ku hadlaya, waana cararay, hadda waxaa uu ku suganyahay goob amaan ah” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Cumar Bijaa.

Mas’uuliyiinta u hadlay maamulka Wajeer ma sheegin in dadka la afduubtay ay ajaanib ku jirto ama Kenyaan kaliya yihiin.

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa iyaguna sheegtay in ay qafaasheen shaqaale Kenyaan ah iyo laba gaari oo midi Cagaf tahay kuwaas oo ay la galeen gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...