Monday, July 6, 2026
25.4 C
Mogadishu

Maxaa ku dhacay Donald Trump markii Kongresska Mareykanka uu u codeeyay in xilka laga qaabo?

Madaxweyne Trump / Photo Credit: REUTERS

Washington (Halqaran.com) – Aqalka Hoose ee Congresska Maraykanka ayaa u codeeyey in xilka laga qaado madaxweynaha Maraykanka Donald  Trump.

Madaxweyne Trump ayaa lagu soo eedeeyey labo qodob oo kala ah, 1) inuu ku takri falay awooddii madaxweynenimo iyo 2) inuu horjoogsaday codsigii kongereeska ee ahaa inuu soo gudbiyo waraaqaha uu goluhu codsaday.

Codbixintii qodobka koowaad ayaa waxa natiijadiisu ahayd 230 mudane oo oggolaatay in madaxweynaha xilka laga qaado iyo 197 mudane oo diiday.

Qodobka labaad ayaa waxa taageeray 229 mudane halka 198 mudane oo iyagu diideen.

Maxaa ku dhacay Trump codeyntii kadib?

Tan iyo intii ay dhacday codeynta, Aqalka uu kala laabtay codka kalsoonida, Trump juuqdiisa lama hayo.

Ma jiro wax qoraal ah oo uu soo dhigay, balse waa hadal haynta ugu weyn ee warbaahinta Maraykanka iyo adduunkaba.

Qoraalkii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay waxaa la daabacay ilaa 8 saac ka hor.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...